Barcelona Oo Laba Gool Uga Talaabsatay Sporting CP Xilli Mid Uu Ka Caawiyay Laacibkoodii Hore Ee Jeremy Mathieu,Messi-na Badel Ayuu Ku Soo Galay Kulankaas

Labada koox Barcelona iyo Sporting CP ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac bilaa goolal ah xilli hanaan ciyaareed ahaan aheyd ciyaarta mid isu dheeli tiran

Ma jirrin fursado wax ku ool ah oo ay labadaas koox isku heleen inkastoo Barcelona ay ka go`neyd in ay shabaqa soo taabtaan

Sporting CP waxaa ka muuqatay kalsooni aad u xooggan waa ayna la qeybsanayeen kubadda

Suarez ayaa dar dar weyn muujinayay balse ma uusan heleyn meel ay kubadda marsiiyaan balse guud ahaan Barca waa laga filan karay goolal

Soo laabashii Barcelona dar dar ayay ku soo galeen balse waa la hor taagnaa xilli kooxda martida ay muujiyeen geesinimo

Marka si loo eego ciyaarta waxaa ka maqneyd xaraaradda hadana Barca saameyn ayay laheyd waxaana daqiiqaddii 59-aad gool u dhaliyay Francisco Alcacer.

Messi oo kulankaan keydka ku jiray ayaa lasoo giliyay daiqiadii 61-aad waana markii labaad xilli ciyaareedkaan uu tabaarah koxodaas dhigay keydka

Dhamaadkii fursado yar ayaa jira balse lagama faa`ideysann ilaa ugu dambeyn Sporting gool qaldan uiska dhaliyeen waxaana daqiiqadii 90-aad sidaas sameeyay Jeremy Mathieu oo Barcelona horay u soo maray waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay labadaas gool ee Barcelona laheyd .

Marka laga yimaado kulankaan , kooxda Barcelona ayaa badisay saddexdii kulan ee hore ee ay la ciyaartay kooxda Sporting Lisbon tartanka champions league iyada oo dhalisay 9 gool isku dar ahaan.

Waxaa u xisid mudan in Barcelona ay u soo baxday wareega 16-ka sanadkii 11-aad oo xiriir ah waana rikoorka ugu dheer ee taariikhda tartanka champions league.

Comments

comments

Leave a Reply