Aubameyang Oo U Gacan Haatiyay Kooxda Laga Yaabo In Uu U Soo Wareego Mana Aha Real Madrid

Pierre-Emerick Aubameyang oo weerarka uga ciyaara Dortmund ayaa u gacan haatyay halka laga yaabo in uu u wareego waqtiga dhaw xilli laacibkaas si weyn ay u doonayaan kooxaha ugu yurub oo ay ugu horeyso kooxda Real Madrid

 

Waxa uu laacibkaas reer Gabon hoosta ka xariiqay in laga yaabo in uu u wareego waqtiyada soo socda Atletico Madrid si uu booska uga badallo Antoine Griezmann kaasi oo isna loo badinayo in uu kooxdiisa ka tagayo.

Waxa uu joog dheerahaan beeniyay warar saxaafada isla qaad qaadeysay oo sheegayay in hishiis hor dhac ah uu la gaaray kooxdiisa Dortmund oo ku aadan in uu qalinka iyo warqadda is dul saaro.

” Ma jirto wax aan isla meel dhignay Dortmund”ayuu si kooban u yiri Pierre-Emerick Aubameyang isaga oo u waramayay saxaafadda sida The Mirror ay soo xiganeyso

” Wax yaabo badan aya dhacaya marka suuqa uu furmo , balse illaa haatan kaliya warar suuqeed uun ayaa jira”

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa intaas sii raaciyay waxaan ognahay in Atletico Madrid ay raadinayaan laba weeraryahan maxa yeelay Antoine Griezmann wuu baxayaa ,wax yaabo badan in ay dhacaan ayaa laga yaabaa”

Waxa uu Pierre-Emerick xaqiijiyay in uusan dooneyn in uu u wareego Real Madrid iyadoo uu xusay in weli rabitaan noocaas ah uusan ku soo dhicin

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply