Athletic Bilbao Vs Real Madrid : Madrid Waxa Ay Bartilaameysanayaan In Ay Ka Fogaadaan Dhacdo 9 Sano Ka Hor Ka Qabsatay La Ligaha

Kooxda Real Madrid ayaa caawa marti u ah kooxda Athletic Bilbao oo ay wada ciyaarayaan kullan ka tirsan wareegga 14-aad ee horyaalka Spain

Real waxa ay kulankaas galayaan iyaga oo baadi goobaya sedex dhibic iyo guushoodii ugu horeysay banaanka garoonkooda soo gaaraan ka dib markii ay bar bar dhac soo galeen labadii kullan ee ugu dambeeyay ee banaanka garoonkooda halka Athletic Bilbao doonayaan guushoodii ugu horeeysay horyaalka ka dib markii ay fashilmeen 5-tii kullan ee ugu dambeeyay ee horyaalka

Xogta Kulanka

* Athletic Bilbao kaliya hal jeer ayay badiyeen 7-dii kullan ee ugu dambeeyay ee ay Real marti giliyeen , waxa uuna kulankaas dhacay March 2015-kii xilligaas oo ay hal gool ku badiyeen ,ka dib 5 jeer ayay guul dareysteen xilli hal jeerna ay galeen bar bar dhac

* Real waa ay guuleysteen labadii kullan ee ugu dambeeyay ee horyaalka ee ay u martiyeeyeen Athletic Bilbao waxa ayna labadaas jeer ku soo badiyeen 2/1

* Athletic Bilbao ma aysan guuleysan 5-tii kullan ee ugu dambeeyay horyaalka, laba jeer bar bar dhac ayay galeen halka sedexna laga badiyay

* Real guul ma aysan gaarin labadii kullan ee ugu dambeeyay La Ligaha ee banaanka garoonkooda , markii ugu dambeysay ee ay sedex jeer ku fashilmaan arintaas waxa ay aheyd xilli ciyaareedkii 2008/2009-kii

* Ronaldo waxa uu Athletic Bilbao ku leeyahay 16 gool oo La Ligaha ah balse garoonka caawa martida ay ku yihiin kaliya afar gool ayuu ku soo dhaliyay

Comments

comments

Leave a Reply