Arsenal Oo La Sheegay Qiimaha Ay Ku Heli Karaan Saxiixa Laacibka Ay Mudada Ku Raad Joogeen Ee Julian Draxler.

Ilo wareedyo ay qorayaan saxaafadda Ingiriiska ayaa sheegaya in kooxda PSG ay ku war giliyeen Arsneal qiimaha ay uga kaaftoomi karaan weeraryahankooda Julian Draxler.

Arsenal ayaa dib u soo cusbooneysiiyay xiisaha ay u qabaan 24 sano jirkaas oo sanadihii ugu dambeeyay ay baacsanayeen waxa ayna haatan doonayaan in ay ka faa`ideytsaan xaaladdiisa PSG oo uusan maqsuud ku aheyn tan iyo markii uu u yimid bishii Janaury

PSG ayaa dul dhigtay laacibkaas aduun dhan 40 milyan oo gini si wiilkaas reer Jarmal u sii daayaan dhawaan

Tababare Wenger ayaa u arka Julian Draxler badelka Sanchez kaasi oo laga yaabo in uu xagaaga dambe ka huleelo Arsenal xilli hishiiskiisa uu dhacayo xagaaga 2018-da

Arsenal oo dooneysa in Sanchez qaab xor ah kooxda uga tagin waxa ay u muuqdaan mid ogalaneysa in 35 milyan oo gini ku fasaxayaan laacibkaas reer Chile marka suuqa uu furmo bisha dambe xilli Sanchez xagaagii hore ay 60 milyan oo gini kaga diideen Man City

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply