Arsenal Oo City,United,Barcelona & Liverpool Ku Garaacaysa Xiddig Khadka Dhexe Ku Fiican Oo Ay U Waalanayaan

Kooxda Arsenal ayaa ku dhaw in ay kooxaha Man United,Liverpool,chelsea iyo Barcelona ku garaacdo xiddig khadka dhexe ku fiican oo waliba si xor ah lagu heli karo dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Tababaraha kooxda Arsenal ayaa ku sii dhawanaya in uu si xor ah ku helo xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Schalke ee Leon Goretzka.

Xiddiga reer Germany ayaa xor noqon doona dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana uu doonayaa in uu tartan kale ka qayb qaato xilli ciyaareedka dambe.

Kooxo badan oo reer yurub ah ayaa isha ku haya 22 jirkan oo ay ka mid yihiin kooxda Man United,Man city,Liverpool chelsea iyo Barcelona.

Laakiin Gunners ayaa ku qalsoon in ay ku guulaystay saxiixa xiddigan si ay ugu xoojiyaan khadkooda dhexe ee xilli ciyaareedka dambe.

Leon Goretzka ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican ee u soo kacay Germany waxana uu ka ciyaari karaa boosas badan oo khadka dhexe ah.

Wenger ayaa xiddigan la socday sanado badan waxana uu u diray indha-indheeyayaal si ay ula socdaan horumarka qaab ciyaareedkiisa.

Barcelona iyo Real Madrid ayaa la aaminsan yahay in ay xiiso u muujiyeen adeega xiddiga iyaga oo la dhacsan qaab ciyaareedkiisa iyo horumarka uu samaynayo.

Arsenal la aaminsan yahay in ay diyaar u tahay in ay xiddiga siiso lacag guno ah iyo waliba lacag fiican oo mushahar ah marka uu ku soo biira.

Gunners oo la filayo in ay waydo xiddigaha Alexis Sanchez iyo Mesut Ozil ayaa doonaysa in ay xiddigan ku buuxiso boosaskaas.

Comments

comments

Leave a Reply