4 Kooxood Oo Aan Wax Guuladaro Ah La Kumin Wareegii Group-yada Champions League & Faah-Faahinta Kulamadoodii

Wareega Group-yada ayaa xalay si Rasmi ah u soo xirmay waxana dhamaystirtmay 16-kii kooxood ee laga doonayay in ay u gudbaan wareega 16-ka tartanka.

Tartanka ayaa sanadkan ahaa mid aanay Kooxo waaweyn isku Group Noqon marka laga reebo Group-ka H oo ay ku wada jireen kooxaha Real Madrid,Borussia Dortmund iyo Tottenham.

Waxa sidoo kale jiray 3 Group oo ay ku midoobeen kooxo waaweyn kaas ah Group B oo ay ku midoobeen kooxaha Bayern Munich,PSG iyo Celtic.

Sidoo kale Group C ayay ku midoobeen kooxaha Chelsea,Roma iyo Atletico Madrid halka ay Group D ku midoobeen kooxaha Barcelona iyo Juventus.

Kadib markii uu soo dhamaaday wareegii Group-yada waxa jira kaliya 4 kooxood oo aan wax guuldaro ah la kulmin wareegii Group-yada bar-baro haba galeen.

Afrtaas kooxood ayaa kala ah Liverpool,Tottenham,Barcelona iyo Besiktas kuwaas oo aan dha-dhamin wax guuldaro la yiraahdo intii ay socdeen wareega Group-yada.

Image result for Liverpool and Barcelona

Kulamada Liverpool:
6 =kulan
3 =guul
3 =Bar-Baro
0 =guuldaro
Kulamada Barcelona:
6 =kulan
4= Badin
2 =Bar-Baro
0 =guuldaro
Kulamada Besiktas:
6 =kulan
4= Badin
2 =Bar-Baro
0 =guuldaro
Kulamada Tottenham:
6 =kulan
5 =guul
1 =Bar-Baro
0 =guuldaro

Comments

comments

Leave a Reply