Raheem Sterling Oo Waqtigii Geerida Ka Taqalusay Southamptopn , 2/1 Ayay Uga Talaabsadeen Southampton

Man City ayaa ciyaarta soo gashay iyadoo bartilmaameysaneysa in ay badiyaan kulankoodii 12-aad ee horyaalka si hogaanka u sii haystaan balse waa ay dareensanayaayeen in Southampton ay madax adag yihiin .

Biloowgi City isku dhex yaac ayaa ka muuqday waxaana biloow wacnaa kooxda martida ah oo ku dhawaaneysay in hantiilayaasha gool waqti hore ah kaga naxdaan .

City biloowgii waxaa ku adkaa in kubadda cagtooda ku hayaan waxaa dar dar badneyn kooxda martida ah oo duullaan aheyd

Sidaas oo ay tahay City daqiiqaddii 17-aad kubad gool ah aheyd ayaa laga bad baadiyay waxa ayna dadaal ugu jireen in kubadda ay kala fur furaan

Ka dib kubad labada dhinac ayay u furantay ,City-na mar kale gool ayaa laga bad baadiyay xilli Southampton ay ciyaarayeen daafac adag

Si kasta oo ay isku dayo u sameeyeen labada koox waxa ay nasiinada ku aadeen bar bar dhac bilaa goolal ah .

Man City durba markii la soo laabtay waxa ay gool ku heleen kooxda martida waxaana iska dhaliyay Virgil van Dijk waxaana ku cariiriyay Otamendi daqiiqaddii 48-aad waxa uuna goolkaas ka yimid kubad Free kick aheyd oo uu soo laaday De Bruyne

City ,dar dra xooggan ayay la soo baxday qeybta labaad waxaana laga filan karay gool labaad marka la eego hanaan ciyaareedkooda

Kooxda Southampton waxa ay ka sheeganeysay in kubadda si sahal ah ugu gacan gilinayeen City kuwaasi oo duullaan ahaa si weynna uga duwanaa xaalkoodii qeybtii hore .

City inkastoo afka hore ay ka wacnaayeen hadana daafacooda kulankaan waa loo baqay oo waxaa lagu helayay koornooyin .

Southampton dadaalkoodii waxa ay keekeen goolka bar bar dhaac waxaana daqiiqadii 75-aad u saixixay Oriol Romeu

Ka dib goolkaas ciyaarta xaraarad ayay yeelatay waxaana labada dhinac laga filan karay goollabaad ka hor inta uusna yeerin seeriga dhamaadka ciyaarta waxa ayna aheyd mid u furran labada dhinac

Si kasta oo ay City u dadaaleen waa loo diidanaa gool labaad ilaa laga gaaray daqiiqadihii dheeriga ee ciyaarta waxaana u dhaliyay Raheem Sterling

 Mna City ayaa hogaanka sii dheereystay waxa ayan leeyihiin 40 dhibic halka kooxda ku soo xigta ee Man United ay leeyihin 32 dhibic

Comments

comments

Leave a Reply