Maxay Tahay Sababta Magaalada Kismayo Looga Wareejiyay Marti Gilinta Tartanka K/cagta Ee Maamulka Goboleed-yada Dalka , Halkee Ayaana Lagu Qabanayaa?,.

Waxaa soo dhamaaday kulan saacado qaatay oo u socday wasiirada cayaaraha maamul goboleedyada dalka,wasaarada cayaaraha ee dowlada dhexe iyo xiriirka soomaaliyeed ee kubadda cagta waxaana looga arin sanay tartanka M.Goboleedyada oo lagu waday in lagu qabto magaalada Kismaayo.

Hadaba waxaa la isku raacay in Ciyaarihii maamul goboleedyada ee lagu wadey in 7/Bisha December ay ka furmaan magaalada kismaayo loo soo wareejiyey magaalada moqdisho isla bisha december 7/deeda ay ka furmi doonaan tartankaasi magaalada Muqdisho.

Go’aan kan ahaa waxaa kusoo aadayaa xilli aad u adag maadaama ay Jubbaland waday diyaar garow balse warar aan helay ayaa ii xaqiijiyay in ay jiraan xoogaa khilaaf soo jireen ahaa iyo saluug laga qabo qaabka ay Kismaayo ugu diyaar garoobeen tartankaasi maadaama uu waqtiga gabaabsi yahay walina hal xul uusan gaarin Kismaayo.

Sababaha looga wareejiyay in kismaayo sanadkaan ay marti geliso ciyaaraha maamul gobaleedyada ayaa lagu sheegey in garoonka waamo oo maamulka jubbaland uu u diyaariyey in lagu qabto ciyaarahan aan lagu ciyaari Karin sidoo kale waxaa xubnihii shirka ka qeyb galey sheegeen in sababta labaad ay tahay dhanka amniga.

Magaalada moqdisho ayaana markii labaad oo xiriir ah marti gelin doonta ciyaaraha maamul gobaleedyada waxaana kii hore lagu qabtay 15 july 2016 waxaana qaaday Puntland.

Wali wax war ah kama soo bixin maamulka Jubbaland oo dhankooda waday diyaar garowga tartanka haba liitee koleey soo dhawayn maayaan hadiiba ay qaadicin ka qayb galka tartanka.

W/D: Abdalla Hassan Baliil

Comments

comments

Leave a Reply