Man City Vs Southampton : Kooxda Martida 13-Sano Ka Hor Ayaa Ugu Dambeysay Guul Ay Ku Soo Gaaraan Garoonka City Iyadoo Horyaalka La Joogo.

Man City ayaa kulan adag waxa ay la ciyaarayaan kooxda Southampton oo haatan ku jirta booska 11-aad ee horyaalka waxa ayna kooxda Pep beegsanayaan guul si ay u sii hayaan hogaanka horyaalka

Xogta Kulanka

* Man City ayaa badisay 5 kullan hal jeerna waa laga badiyay 8-doodii kullan ee ugu dambeeyay horyaalka ee ay la ciyaareen kooxda Southampton.

* Kulankii ugu dambeeyay labadaas koox ee garoonka Etihad waxa ay ku dhameysteen min hal gool waxa ayna aheyd October sanadkii 2018-da

* Markii ugu dambeysay ee Southampton ku soo badiyaan garoonka City waxa ay aheyd April 2004-tii xilligaas oo ay ku soo badiyeen 3/1

* Macalinka Southampton ee Mauricio Pellegrino iyo dhigiisa City ee Pep waxa ay ahaayeen isku koox oo Barcelona ayay soo wada mareen xilli ciyaareedkii 1998/1999-kiina La Ligaha ayay isla qaadeen

* Man City ayaa badisay xilli ciyaareedkii 11 kullan oo isku xiga waxa ayna haatan hogaanka ku hayaan 37 dhibic ka dib 13 wareeg oo laga ciyaaray

* Southampton kaliya hal kullan ayay ku soo badiyeen banaanka garoonkooda iyadoo horyaalka la jooga ka dib 5 kullan oo ay illaa haatan banaanka garoonkooda ku soo ciyaareen waxa ayna kulankaas ka soo badiyeen kooxda booska ugu damabeya kala sareynta horyaalka kaga jirta ee Crystal Palace, xilligaas oo ay hal gool uga soo badiyeen

Comments

comments

Leave a Reply