Liverpool Oo Ku Tumatay Stoke City , Sedex Gool Ayay Uga Talaabsadeen Xilli Mohamed Salah Uu Saxiixay Laba Gool

Liverpool ayaa nasiinada ugu dirtay Stoke City hal gool nadiif ah kaasi oo yimid daqiiqaddii 17-aad waxaana saxiixay Sadio Mane

Biloowgii ,Liveprool ayaa maamuleysay kubadda waa ayna ka dar dar wacneynd kooxda Stoke oo ka sheeganeysay is fahan la`aan dhanka kubadda ah

Goolkaas Mane ayaa ah kiisii ugu horeeyay ee horyaalka ee Liverpool waana markii ugu dheereyd ee ay abaartaas gool`aanta ah ku dhacdo

Ka dib goolkaas , kubadda waxa u badneyd qadka dhexe mana jirrin halis gillin badan oo ay isku seemeyeen labada koox

Stoke dhib badan ayay kala kulmayeen ciyaartooyda Liverpool waxa ayna u baahnaayeen badel ay ku sameeyaan qaar ka mid ah ciyaartooydeeda .

Biloowgii soo laabashada ,Stoke wax ay ku dhawaadeen in goolka bar bar dhac ku helaabn Liveproolbalse sidii larabay uma aysan sameyn

Stoke qaab wacan ayay ku soo muuqdeen qeybta labaad balse kubadda meel ay marsiiyaan ayay garan waayeen xilli Liveprool dagaal ugu jireen in ay helaan gool labaad
dadaalkii Liverpool waa yimid waxaana gool quurx badna u dhaliyay Mohamed Salah daqiiqaddii 77-aad

Ka dib goolkaas guud ahaan Liveprool ayaa kubadda la wareegayay waxa ayna baadi goobayene goolal dheeraad ah ilaa uu mar kale labeystay Salah daqiiqadii 83-aad

Salah ayay labadaas gool u yihiin kiisi 17-aad ee uu Liveprool u dhaliyo xilli ciyaareedkaan dhamaan tartamada ay ku jiraan ,waxaana xusid mudna in kulankaan uu ku soo galay qaab badelah

Kulankaas halka dhinac noqday dhamaadkii ayaa lagu kala baxay 3/0 oo ay Liverpool guusha ku raacday waxa ayan haatan ku jiraan bosoka 5-aad halka ay leeyihiin 26 dhibic

Comments

comments

Leave a Reply