Alexandre Lacazette Oo Ay U Badan Tahay In Uu Seego Kulanka Man United , Sidee Wax U Gaareen Xalay ?.

Tababare Wenger ayaa ka cabsi qaba in uu waayo weeraryahankiisa Alexandre Lacazette kulanka sabtida ay la ciyaaryaan Man United ee horyaalka Ingiriiska, xilli ilo wareedyo kale sheegayaaan in laacibkaas uu seegayo kulankaas

Laacibkaas ayaa ku socda waddo wacan xili ciyaareedkaan waxa uuna kooxdaas u dhaliyay goolkiiisa 7-aad tan iyo markii uu xagaagaan uu uga yimid kooxda Monaco

Cabsida ah in Alexandre Lacazette uu seego kulankaas sabtida ayaa ah iyadoo laacibkaas laga saaray garoonka biloowgii qeybta labaad ee kulankii xalay ay ku marti giliyeen kooxda Huddersfield Town xilligaas oo ay Arsenal ku badiyeen 5/0

Wenger ayaa ka yiri wargeyska Metro ” Lacazette? waa dhaawac , waxa ay u muuqataa in bowdada laga haleelay waxaana waayi karnaa in muddo a”.

Waxaa jirta cabsi ah in Lacazette uu seego kulanka United waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda lagu sameeyo baaritaano caafimaad si loo xaqiijiyo heerka uu garasiisan yahay iyo mudada uu la maqnaan karo .

Comments

comments

Leave a Reply