Zinedine Zidane Oo Florentino Perez Farta Ka Saaray Liis Ay Ku Jiraan 3 Xiddig Oo Cajiib Ah, Xagaaga Ayuu Ka Doonayaa

Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa madaxweynaha kooxdiisa Florentino Perez liis xiddigo ah oo uu doonayo in uu kooxdiisa ku soo xoojiyo suuqa kala iibsiga xagaaga.

Kooxda difaacanaysa horyaalka La Liga ayaa la filayaa in ay suuqa kala iibsiga xagaaga dambe galiso lacag waali ah xilli kooxdu durba qorashaynayso in ay kooxda ku soo darto Harry Kane iyaga oo saddex xiddig ku daraya heshiiska ay ku doonayso.

Si kasta ha ahaaatee Tababare Zidane ayaa Perez u sheegay in uu doonayo in uu kooxdiisa ku arko xiddigaha David Alaba,Deli Alli iyo Paulo Dybala sida laga soo xiganayo wargayska Diario Gol.

Wargayska ayaa intaa ku daray in suuqa January ay yaraan doonaan xiddigaha kooxda imanaya iyo kuwa ka tagaya laakiin ay kooxdu dhaq-dhaqaaq weyn samayn doonto xagaaga dambe kadib markii ay si niyad jab leh ku bilowdeen xilli ciyaareedkan.

Real Madrid ayaa kaliya 4 kulan badisay 7-dii kulan ee ugu horeeyay horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedkan halka mid laba badiyay  laba kalena bar-baro lala galay.

Comments

comments

Leave a Reply