XOG: Qaab Ciyaareedka Cajiibka Ah Ee Romelu Lukaku Miyuu Soo Xirmi Doonaa Kulanka Liverpool

Weeraryahanka man United ee Romelu Lukaku ayaa ahaa mid aan la joojin karin xilli ciyaareedkan isaga oo gool dhaliyay kulan kasta marka laga reebo hal kulan.

Sidaa darteed isaga iyo taageerayaasha Man United ayaa kalsooni buuxa in uu mar kale gool dhalin doono kulanka ay United booqan doonto Liverpool.

Laakiin Miyay Tahay in ay sidaa u kasloonaadaan?

Xog ayaa muujinaysa in Lukaku oo hogaaminaya gool dhalinta horyaalka isaga oo leh 7 gool in uu ku dhibaatoon doono in uu gool ka dhaliyo Anfied.

Kulamada uu La ciyaaray 6-da kooxood ee ugu saraysa?

Is Romelu Lukaku’s blistering Man Utd form set to end against Liverpool?

Rikoorka 6-da Kooxood ee ugu waaweyn Premier league:

Arsenal- 1 gool 6 kulan

Chelsea- 0 gool 6 kulan

Liverpool- 1 gool 6 kulan

Man city- 2 gool 6 kulan

Man United- 0 gool 6 kulan

Tottenham- 1 gool 6 kulan

Rikoorka gool dhalinta ee uu ku leeyahay 6-da kooxood ee ugu saraysa tan iyo markii uu si toos ah ugu biiray sanadkii 2014/15 ayaa ah mid cabsi badan.

Kulamada uu la ciyaaray 6-da kooxood ee ugu waaweyn horyaalka ayaa ah 35 laakiin kaliya waxa uu dhaliyay 5 gool taas oo cel-celis ahaan ah hal gool 7-dii kulanba.

Rikoorkiisa dhan tan iyo markii uu premier league ku soo biiray ayaa ay 15 gool 75 kulan isaga oo horumar sameeyay 5-tii kulanba gool dhaliyay.

Laakiin rikoorkiisa ayaa war-war ku ah man United ka hor kulanka todobaadkan.

Kulamada uu Liverpool La ciyaaray:

Is Romelu Lukaku’s blistering Man Utd form set to end against Liverpool?

Gaar ahaan kulamada uu ka hor tagay man United waxa uu ka dhaliyay 3 gool 8 kulan oo ah wakhtigiisii Everton, waxa uu sidoo kale ka dhaliyay laba lugoodba wakhtigii uu joogay kooxda West Brom.

Kulamada uu Liverpool ka hor tagay ayaa ah 13 waxana uu dhaliyay 5 gool maaha rikoor fiican laakiin waxa uu gool ka dhaliyay cel-celis ahaa 2.6 kulan mana ahan mid xun.

Lukaku Vs Liverpool

Everton: 3 gool 8 Kulan

West Brom: 2 gool  3 kulan

Chelsea: 0 gool 2 Kulan

Kadib Fasaxa xulalka:

Is Romelu Lukaku’s blistering Man Utd form set to end against Liverpool?

Taageerayaasha Man United ayaa ku niyad san rikoorka Lukaku ee fasaxa xulalka kadib.

Waxa uu gool ka dhaliyay Stoke City kadib fasixii xulalka, xilli ciyaareedkii hore ayaa sidoo kale cadayn u ah in aanu goolasha ku dhibaatoon marka uu fasaxa xulalka ka yimaado.

Comments

comments

Leave a Reply