XOG Muhiim Ah: Radamel Falcao,Clinton N’Jie Iyo Mario Balotelli Oo Muujiyay In Ay Ka Fiican Yihiin Xiddigah Premier League & Xog Ku Saabsan Xiddigaha Ugu Gool Dhalinta Fiican Daqiiqad Ahaan 5-ta Horyaal Ee Ugu Weyn Yurub

Xiddigii ku fashilmay kooxaha Man United iyo chelsea ee Radamel Falcao ayaa ah xiddiga hogaaminaya horyaalada reer yurub xilli ay sidoo kale ku soo xigaan xiddigo kula fashilmay premier league.

Xiddiga reer Colombia ayaa dhaliyay 12 gool oo horyaalka Frnace xilli ciyaareedkan.

Xiddigan ayaa ah xiddiga ugu goolasha badan 5 horyaal ee ugu waaweyn qaarada yurub ee kubada cagta isaga oo ka fog wakhtigii uu ku qaatay Old Trafford iyo Stamford Bridge.

Goolashiisa ayaa cel-celis ahaan yimi hal gool 55-kii daqiiqaba isaga oo ah xiddiga ka badan xiddig kasta oo ka mid ah xiddigaha ugu goolasha badan horyaalada 5-ta ah ee ugu waaweyn xilli ciyaareedkan.

Xiddiga Juventus ayaa ku soo xiga isaga oo hal gool dhaliyay 56-kii daqiiqaba, Lionel Messi ayaa ku soo xiga isaga oo hal gool dhaliyay 57-kii daqiiqaba halka weeraryahanka Lazio ee Ciro Immobile uu dhaliyay hal gool 70-kii daqiiqaba.

Xiddigihii Falcao kula soo fashilmay Premier league ee Clinton N’Jie iyo Mario Balotelli ayaa dhankooda hal gool dhaliyay 76-kii daqiiqaba.

Waxana ay ka fiican yihiin xiddigaha ay ka midka yihiin Robert Lewandowski (76 daqiiqo) Iyo Neymar (90 daqiiqo).

Simone Zaza oo ah weeraryahan kale oo ku soo fashilmay Premier league ayaa gool dhaliyay 89-kii daqiiqaba isaga oo ka fiican Harry Kane oo isagu gool dhaliyay 104-tii daqiiqaba.

Xiddigihii Horay Uga Soo Ciyaaray Premier League 

Goolka Daqiiqad kasta

Radamel Falcao

55

Clinton N’Jie

72

Mario Balotelli

72

Edin Dzeko

74

Simone Zaza

89

Kane ayaan ahayn xiddiga ugu fiican dhanka gool dhalinta xilli ciyaareedkan isaga oo aan sidoo kale ahayn xiddiga England ah ee sidaa sameeya.

Xiddiga Kooxda Man city ee Raheem Sterling ayaa ka rikoor fiican marka loo eego xiddig ka soo jeeda England.

Xiddigan reer Man city ayaa 5 gool ku dhaliyay 387 daqiiqo oo uu ka ciyaaray xilli ciyaareedkan isaga oo cel-celis ahaan dhaliyay hal gool 77-kii daqiiqaba.

Waxa uu ka fiican yahay xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Sergio Aguero kaas oo cel-celis ahaan hal gool dhaliyay 78-kii daqiiqaba.

Xiddigaha Premier League 

Goolka Daqiiqad kasta

Raheem Sterling

77

Sergio Aguero

78

Alvaro Morata

82

Romelu Lukaku

90

Harry Kane

104

Jamie Vardy

122

Xiddiga kooxda Man United ee Romelu Lukaku oo qaab ciyaareed fiican ku jira tan iyo markii uu u dhaqaaqay Old Trafford ayaa gool dhaliyay 90-kii daqiiqaba.

Laakiin Alvaro Morata ayaa seegi doona todobaadyoa kadib dhaawac muruqa ah laakiin waxa uu ka cel-celi fiican yahay Lukaku maadaama uu gool dhaliyay 82-kii daqiiqaba.

Jamie Vardy oo ah xiddiga 6-aad ee ugu gool dhalinta fiican dhanka daqiiqadaha ayaa dhaliyay hal gool 122-kii daqiiqaba.

Comments

comments

Leave a Reply