Xiddig Barcelona Muhiim U Ah Oo Khatar Ugu Jira In Uu Seego Kulanka Atletico Madrid, Sidee Loo Hayaa?

Wargayska mundo Deportivo ayaa sheegaya in xiddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Sergio Busquets uu halis ugu jiro in uu seego kulanka Adag ee ay kooxdiisa Barcelona sabtida la ciyaari doonto kooxda Atletico Madrid kulan ka tirsan horyaalka La Liga.

Busquets ayaa tababarka mar kula soo laabtay xiddigaha Alba iyo Rakitic kadib markii ay soo dhamaysteen waajibaadka xulalka qaramadooda.

Alba iyo Rakitic ayaa si buuxda uga qayb galay tababarka buuxa ee kooxdooda halka Busquets uu tababar kaligii ah qaata isaga oo ka cabanaya dhaawac muruqa ah,

Busquets ayaa tababar la qaatay Andrés Iniesta oo dhaawac ah si ay uga soo kabsadaan dhaawacyada la soo darsay maalmihii ugu dambeeyay.

Wargayskaas ayaa sheegaya in uun uu Busquets diyaar 100% u noqon doonin in uu ciyaaro kulanka soo socda taas oo adkayn doonta xaalada tababare Valverde.

Comments

comments

Leave a Reply