Xasaasi: Hadalkii Ugu Dambeeyay Ee Ka Soo Baxa Maamulka Barcelona Oo Sabab U Noqon Kara In Ay Liverpool Dacwad Ka Gudbiso Barcelona & Sababta Oo La Ogaaday

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay si xun uga cadhootay kooxda Barcelona kadib markii ay Barcelona si cad ugu sheegtay saxaafada in ay u dhaqaaqi doonto adeega Philipe coutinho marka la gaaro suuqa kala iibsiga January.

Reds ayaa kooxda reer La Liga ka diiday 3 dalab oo ay Barcelona ka soo gudbisay adeega xiddigan reer Brazil Si kasta ha ahaatee agaasimaha Kooxda Barcelona ayaa shalay si cad u sheegay in ay Barcelona u dhaqaaqi doonto saxiixa coutinho marka la gaaro January.

Si kasta ha haaatee Fursadii ay Barcelona ku heli lahayd saxiixa Coutinho ayaa haatan u eg mid khatar ku jira xilli ay Liverpool si aad ah uga carootay iyada oo ka fikiraysa in ay dacwad ka dhan ah ka gudbiso Barcelona.

Sababta ay Liverpool uga fikirayso in ay Barcelona dacwad uga gudbiso ayaa in ay aaminsantahay in ay hiyi kicinayso xiddiga kuna qasbayso in uu Wadadii Dembele markii ay la soo saxiixanaysay

Go,aankii Liverpool ee Ahaa in aanu xiddigan iib ahayn ayaan waxba iska badali xilli ay kooxdu diidantahay in ay xiddigan iibiso bartamaha xilli ciyaareedka.

Laakiin Philipe coutinho ayaa la aamisan yahay in uu wali doonayo in uu ku biiro kooxda Barcelona sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Spain.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: