WARBIXIN Xiiso Leh: El Clásico-da England; Waa Maxay Sirta Ka Dambaysa Cadaawada Taariikheed Ee Ka Dhexaysa Liverpool Iyo Man United

El Clásico-da England, Derby-ga Waqooyi Galbeed, Dagaalka taariikhda Waa magacyada kala duwan ee loogu yeero kaliya kulanka ay ciyaaraan kooxaha Liverpool iyo Man United.

Bilowgii cadaawada ee Man United iyo Liverpool:

Xafiiltanka u dhexeeya labadan kooxood ayaa ku bilowday sabab ka duwan ciyaaraha, xilli cadaawadani bilaabamatay qarnigii 190-aad.

Magaalada Liverpool ayaa caan ku ahayd dakada bada ee caanka ah halka Magaalada Manchester caan ku hayd farsamada, kadib dadkii dagaan magaalada Manchester ayaa go,aansaday in ay samaystaan dakad ay maraakiibtu ugu soo xirato halkii ay tagi lahaayeen Liverpool.

Sanadkii 1894 ayaa machester laga furay Dakad waxana bilaabantay in ay maraakiibtu ku soo xirato dakadaas taas oo Magaalada Liverpool ku keentay khasaare dhaqaale oo aad u weyn taas oo ka caraysiiyay dadkii daganaa magaalada Liverpool taas oo keentay in ay dadka dagan Manchester ka dhigtaan cadawgooda 1-aad.

جماهير ليفربول

Halkaas ayay ka bilaabmatay cadaawada weyn ee u dhexaysa labada magaalo ilaa ay gashay dhanka kubada cagta, kulankii ugu horeeyay ee ay wada ciyaaraan labada kooxood ee ka socda labada magaalo ayaa ahayd sanadkii 1894 markaas oo ay guul 2/0 ah gaartay kooxdii ka socotay magaalada Liverpool.

Cawdnimo darteed ayay taageerayaasha Liverpool kor u qaadeen boor ay ku qorantahay “ha qarxinina Ciraaq ee Manchester qarxiya”.

Dhanka nacaybka ay xiddigaha hadii aynu eegno kuwaas oo midba midka kale si xun u neceb yahay:

Image result for steven gerrard vs wayne rooney

Wayne Rooney ayaa nacaybka uu Liverpool u qabo ka yiri”Markii aan yaraa waan necbaa Liverpool, markii aan weynaadayna waxba ismay badalin wali si aad ah ayaan u necebahay”.

Steven Gerrard ayaa isna yiri”Waxa aan ku bar-baaray nacaybka Man United, waxa aan Necebahay Dareen kasta oo aan leeyahay”.

Hadaba labadan kooxood ayaa iska hor iman doona maalinta sabtida kulan ka tirsan todobaadkii 8-aad ee horyaalka Premier league.

Maxa ka horeeya Kulanka:

جوزيه مورينيو ويورجن كلوب

Xiddigaha Liverpool iyo Man United ayaa isku dayi doona in ay ka gudbaan fasaxa xulalka si ay u wada ciyaaraan mid ka mid ah kulamada ugu waaweyn horyaalka Premier league ee kubada cagta taas oo sidii aynu horay u soo sheegnay loogu magac daray El Clásico-da England.

Fasaxa xulalka ayaan u fiicnayn man United taas oo badisay 3-dii kulan ee ugu dambaysay horyaalka premier league iyada oo dhalisay 9 gool iyada oo sidoo kale goolkeeda kubad la taabsiin ilaa kulankii Leicester city.

Man United ayaa hogaanka horyaalka la haysa kooxda ay isku magaalada yihiin ee Man city kuwaas oo leh 19 dhibcood 9 kula oo la ciyaaray xilli Jose Mourinho uu doonayo in uu sii wado guulaha iyo qaab ciyaareedka fiican.

ماركوس راشفورد وجيمس ميلنر

Qaab ciyaareedka Liverpool ayaan ahayn mid fiican Kooxda tababare Klopp oo daafac xumo la dhibaatoonaysa ayaa 7 dhibcood ka hoosaysa labada manchester.

Kooxda Liverpool ayaan wax guul ah ka gaarin dhigeeda Man United 6-dii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka premier league.

Comments

comments

Leave a Reply