WARBIXIN: Shan Su,aalood Oo Ay Ka Jawaabi Doonto Kulanka Liverpool Vs Man United

Liverpool ayaa kulan adag garoonkeeda ku marti galin doonta kooxda Man United furitaanka todobaadka 8-aad ee horyaalka Premier league.

Reds ayaa kulanka soo galaysa iyada oo aan ku jirin xaalad fiican kadib markii ay bar-baro 1/1 ah la soo gashay Newcastle Kulankii ugu dambeeyay.

Red Devils ayaa dhankeeda soo galaysa kulankan iyada oo ay kalsooni buux dhaafisay kadib markii ayy 4/0 ku soo garaacday kooxda Crystal Palace kulankii ugu dambeeyay.

يورجن كلوب وجوزيه مورينيو..

Xiddigaha Tababare Jose Mourinho ayaa ku jira kaalinta 1-aad iyaga oo goolal ka dambeeya kooxda Man city iyaga oo badiyay 6 kulan 7-dii kulan ee ugu horaysay.

Halka Reds ay ku jirto kaalinta 7-aad iyada oo 3 kulan oo kaliya badisay 7-dii kulan ee ugu horeeyay horyaalka Prmeier league.

Hadaba kulankan oo ah mid xiiso leh maadama labadan kooxood colaad kubadeed ka dhexayso waxa aanu halka ku soo gudbinaynaa 5 su,aalood oo aynu jawaabtooda heli doono kadib kulanka sabtida.

1.Jurgen Klopp Ma Sixi doonaa khaladaadka daafaciisa?

Liverpool ayaa ku fashilantay in ay shabaqeeda ilaashato 7-dii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan iyada oo dhigtay rikoorkii ugu xumaa ee daafaca kadib markii ay la kulantay 15 gool.

Reds ayaa u baahan in ay soo bandhigaan wax walba oo ay awoodaan si ay natiijo fiican uga helaan Red Devils oo 21 gool dhaliyay horyaalka xilli ciyaareedkan.

2.Romelu Lukaku Ma Dhalin Doonaa Kulankiisii 8-aad oo Xiriir ah?

Weeraryahanka reer Belguim ayaa man United kula soo muuqday xilli ciyaareed cajiib ah kadib markii uu kaga soo biiray Everton suuqii kala iibsiga xagaaga.

24 jirkan ayay u sooro gashay in uu dhaliyo 7 kulan oo xiriir ah horyaalka 7-dii kulan ee ugu horeeyay kulanka Liverpool-na waxa uuu haystaa fursad uu ku noqon karo xiddigii ugu horeeyay ee taariikhda tartanka dhaliyay 8-dii kulan ee ugu horeeyay.

3.Alex Oxlade-Chamberlain Maka Faa,iidaysan Doonaa maqnaanshaha Sadio Mane?

Alex Oxlade-Chamberlain ayaa ku bilaaban kara kulan muhiim u ah kooxda Liverpool ilaa haatan xilli uu dhaawac ku maqan yahay Mane.

Masiibada dhaawac ee Mane ayaa noqon karta fursad Alex Oxlade-Chamberlain si uu u muujiyo in uu awood u leeyahay in uu boos joogto ah ka helo Liverpool.

4.Maalin Weyn Oo Liverpool Iyo Kenny Dalglish:

Kulankan ayaa xambaarsan taariikhda Liverpool xilli Liverpool u dabaal degi doonto halyeeygeeda Kenny Dalglish iyaga oo qayb ka mid ah garoonka ugu magac daray isaga.

Kenny Dalglish ayaa maaliyada Liverpool soo xirtay 355 kulan intii u dhexaysay 1977 ilaa 1990 halka uu sidoo kale laba jeer tababare u noqday kooxda markii ugu horaysay 1985 ilaa 1991 iyo 2011 ilaa 2012.

5.Sidee Ayuu Jose Mourinho u maarayn doonaa dhaawacyada?

Waxa muuqata in man United ku jirto xaal ka fiican midka Liverpool inkasta oo ay jiraan dhaawacyo ay kooxdu ka cabanayso.

Red Devils ayaa waayi doonta xiddigaha khadka dhexe ee Marouane Fellaini iyo Paul Pogba laakiin waxa ay haysataa xidigo fiican oo ay ku buuxiso booskeeda.

Iyada oo la filayo in uu jose Mourinho ku soo bilaabo khadka dhexe Ander Herrera iyo Nemanja Matić.

11 kulan oo uu Jose Mourinho la ciyaaray kooxda Liverpool 10 kulan oo ka mid ah ayuu ku ciyaaray 3 xiddig oo khadka dhexe ah waxana y u badantahay in uu sidaas ku sii wadi doono.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: