WARBIXIN: Barcelona Oo Diyaarsatay Liis 5 Xiddig Oo Heer Caalami Ah Oo Ay U Janaury U Dhaqaaq Doonto Adeegooda Coutinho Iyo Verratti Ayaa Hogaaminaya

Wargayska Marca ayaa shaaca ka qaaday liiska xiddigaha ay kooxda Barcelona u dhaqaaqi doonto suuqa kala iibsiga January si ay ugu xoojiso kooxdeeda.

Kooxda Barcelona ayaa suuqii xagaaga ku fashilantay in ay hesho bartilmaameedyadii ay doonaysay ee ay ka mid ahaayeen Marco Verratti iyo Philippe Coutinho.

Barcelona ayaa la soo saxiixatay xiddigaha Nelson Semedo oo badal u noqday Alves, Ousmane Dembélé oo uu dhaawac halis ah soo gaaray iyo Paulinho.

Wargayska ayaa sheegaya in ay Barcelona wali u baahantahay in ay xoojiso kooxdeeda sidaa darteed waxa ay diyaarsatay in ay u dhaqaaqdo ugu yaraa 3 xiddig xiddiga marka la gaaro January.

Barcelona ayaa doonaysa in ay u dhaqaaqdo daafaca da,yarka ah ee Yerry Mina kaas oo ay horay ula wareegtay laakiin la filayay in uu ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan sii joogo kooxdiisa.

Magaca labaad ahaa xiddiga khadka dhexe ee kooxda PSG Marco Verratti kaas oo ahaa bartilaameedka 1-aad ee suuqii kala iiba xagaaga.

midka 3-aad ayaa ah Jean Michael Seri kaas oo ku dhawaa in uu ku biiro suuqii kala iibsiga ka hor inta ayna si lama filaan ah Barcelona uga bixin heshiiska.

Khadka dhexe ee Leon Goretzka ayaa ah xiddig kale ee xiisaha waalida ah ka helaya kooxda Barcelona xilli uu xagaaga dambe xor noqon doona.

Xiddiga ugu dambeeya ayaa ah xiddiga kooxda Liverpool ee Philie coutinho oo ay u dhaqaaqi doonto hadii ay ku fashilanto xiddigaha kor ku xusan.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: