WARBIXIN: 10 Daafac Ee Ka Ka Ciyaara Garbaha Ee Ugu Fiican Horyaalada Yurub Sanadihii Ugu Dambeeyay

Kubada cagta ayaan haatan ahayn sidii wakhtigii hore xilli haatan kubada weerarku noqotay mid ka samaysay kubadaha dhaadheer taas oo la soo hor dhigayo goolhayaha hortiisa.

Daafaca garbaha ka ciyaara ayaa qayb libaax leh ka qaata kubadahaas maadama daafacba daafaca uu ka weerar badan yahay uga khatar sanyahay dhinaca soo hor dhigida goolka.

Waxa 20-kii sano ee la soo dhaafay soo baxay xiddigo ka ciyaara daafaca farbaha kuwaas oo isku haya weerarka iyo waliba difaacashada.

Hadaba waxa aanu warbixintan ku soo bandhigi doonaa 10 daafaca ee isku dhamaystiran weerarka iyo waliba difaashada 20-kii sano ee ugu dambeeyay.

Marcelo (Real Madrid)

مارسيلو

Marcelo ayaa ka mid ah xiddigaha daafaca ka ciyaara ee ugu dhamaystiran 10-kii sano ee ugu dambeeyay isaga oo ku caanbaxay weerarka inkasta oo uu la kulmo dhaleecayn ah in uu ka bad-badiyo weerarka oo uuna si fiican u difaacan dhanka daafaca laakiin mar walba waxa uu muujiyaan qaab ciyaareed fiican iyo masuuliyad wayn.

Alex Sandro (Juventus).

أليكس ساندرو

Xiddigan ayaa ka mid ah xiddigaha ka soo garab ciyaaray Neymar sanadkii 2011 wakhtigaas oo ay wada joogeen Santos tan ilaa wakhtigaas waxa uu muujiyay awoodiisa isaga oo ka ciyaaray finalka champions league xilli ciyaareedkii hore isaga oo soo bandhigay qaab aad loola dhacay.

Dani Carvajal (Real Madrid).

داني كارفاخال

Real Madrid ayaa inta badan ciyaarta kubadaha karooska ah sidaa darteed Carvajal ayaa ahaa awooda Real Madrid ee kubadaha karooska ah sanadihii ugu dambeeyay, Carvajal ayaa ah xiddig isku dheeli tiran dhinaca weerarka iyo daafaca meelo banaana ugama tago kooxaha ka soo hor jeeda.

Dani Alves (PSG).

داني ألفيس

Alves ayaa ahaa weeraryahan 4-aad wakhtigii uu joogay Barcelona Guardiola-na tababaraha u ahaa isaga oo si weyn u caawin jiray weerarka inkasta oo uu dhanka daafaca meelo banayn jiray, inkasta oo uu gaaray da,diisii 34 hadana waxa uu wali soo bandhigaya qaab ciyaareed cajiib ah oo isku dheeli tiran.

Filipe Luís (Atletico Madrid).

فيليبي لويس

Xiddigan reer Brazil ayaa ku caan baxay awood jidh ahaaneed isaga oo ku guulaysta inta badan kubadaha madaxa ah waxa uu sidoo kale soo bandhigaa qaab ciyaareed weerar oo cajiib ah isaga oo aan xitaa kooxaha ka soo hor jeeda fursad u siin in ay dhankiisa weerarka qaadaan.

Benjamin Mendy (Man City)

بينجامين ميندي

Xiddigan reer Frnace ayaa markii ugu horaysay ka soo muuqday kooxda Marseille isaga oo qaab ciyaareed aad loola dhacay oo weerarka iyo daafaca ah soo bandhigay ka hor inta uuna Monaco ku soo biirin kulana guulaysan horyaalka taas oo keentay in uu Guardiola la dhoco qaab ciyaareedkiisa una dhaqaaqo adeegiisa.

Jordi Alba (Barcelona).

جوردي ألبا

Xiddiga daafaca bidix ka ciyaara ee reer Spain iyo kooxda Barcelona ayaa ka mid ah xiddigaha ugu dheereeya kubada cagta waxana uu sidoo kale ku fiicanyahay weerarka halka uu sidoo kale si weyn difaacdo marka kubada laga haysto kooxdiisa.

Kyle Walker (Man City)

كايل والكر

Kyle Walker ayaa noqday xiddiga ugu qaalisan daafaca suuqa kala iibsiga kadib markii uu ku soo biiray kooxda Man city xiddiga ayaa ah daafaca heer caalami ah oo ku fiican dhan walba weerarka iyo waliba difaacashada goolkiisa.

Djibril Sidibé (Monaco).

جابرييل سيديبي

Djibril Sidibé ayaa kooxda Monaco uga ciyaara daafaca midig waxana uu qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxda Monaco isaga oo kooxda kula guulaystay horyaalka France taas oo ka caawisay in uu boos joogto ah ka helo xulka qaranka Frnace.

Antonio Valencia (Man United).

أنطونيو فالنسيا

Tan iyo markii Van Gal ka ciyaarsiiyay daafaca midig xiddiga reer Ecuador ayaa soo bandhigay qab ciyaareed cajiib ah isaga oo adeegsanaya orodkiisa badan waxana uu ka mid yahay xiddigaha ugu fiican ee ka ciyaara daafaca.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. ayub bshr jama says:

    Valencia hhhh




.




.




%d bloggers like this: