War Fiican: Dhakhtarka Carvajal Oo Ka Farxiyay Real Madrid, Wakhtiga Uu Tababarka Ku Soo Laaban Doono Ayuu Sheegay

Dhakhtarka qaabilsan la socoshada xaalada caafimaad ee Dani Carvajal ayaa shaaca ka qaaday wararkii ugu dambeeyay ee ku saabsan xaalada xiddigan.

Carvajal ayaa kulamada iyo xulka qarankiisa iyo waliba tababarada ku seegay caabuq kaga dhacay dhanka wadnaha kaas oo u diiday in uu ciyaaro ama tababar qaato.

Dakhtarka oo la hadlaya wargayska As ayaa yiri”Xaaladiisa caafimaad haatan way dagantahay waxana la joojisay Virus-kii sababay caabuqa wadnaha ku yimid”.

“Carvajal ayaa kaliya u baahan 10 maalmood in uu dib u helo caafimaadkiisa buuxa kuna soo laabto sidii uu markii hore ahaa waxana uu 12 maalood u jiraa in uu ku soo laabto tababarka buuxa ee Real Madrid”

Carvajal ayaa ka mid ah xiddigaha aas-aasiga u ah kooxda Tababre Zidane waxana uu ku rajo weyn yahay in uu si deg-deg ah ugu soo laabto tababarka kooxdiisa.

Comments

comments

Leave a Reply