Wakiilka Sergej Milinkovic-Savic Oo War Cad Mustaqbalka Xiddigan Uga Sheegay Kooxaha Man City Iyo Juventus, Maxa Ka Soo Kordhay

Wakiilka Sergej Milinkovic-Savic ayaa ka hadlay wararka sheegaya in uu xiddigu ku biiri doono kooxahaa Man city iyo Juventus isaga oo sheegay in uu xiddigu ku faraxsan yahay kooxda Lazio.

Xiddigan reer Serbia ayaa ka mid ah xiddigaha da,yarka ah ee ugu fiican horyaalka Itlay xilli ay jiraan in kooxaha Man city iyo Juventus xiiso u qabaan adeegiisa.

“Sergej waa xiddiga cajiib ah oo isku darsaday,orod iyo xirfad waa xiddig fiican waxa uu u baahanyahay koox Lazio oo kale ah iyo tababare Simone Inzaghi oo kale ah kaas oo wax walba u qabanaya isaga”.

“Sergej aad ayuu ugu faraxsan yahay kooxda Lazio Waxana uu heshiis cusub u saxiixay wakhti aan fogayn”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

“Juve iyo City wakhtiga ayay iska luminayaan waayo xiddigu meelna ugama socto kooxda Lazio wakhti dhaw waayo halkan ayuu doonayaa in uu sii joogo”

Comments

comments

Leave a Reply