Sheeko Cusub: Filipe Luiz Oo Fashiliyay Qorshihii Uu Antoine Griezmann U Dagsaday In Heshiis Cusub Loogu Saxiixo, Man United Ayuu Adeegsaday

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Atletico Madrid ee Filipe Luiz ayaa shaaca ka qaaday sir dad badan ka qorsoonayd oo ku saabsan baacsigii ay Man United ugu jirtay saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara Atletico Madrid ee Antoine Griezmann.

26 jirkan reer France ayaa si weyn loola xiriirinayay man United suuqii xagaaga xilli uu ka mid ahaa bartilmaameedyada ugu weyn ee Tababare Jose Mourinho ka hor inta aan Atletico Madrid laga diidin racfaankii ay ka qaadanaysay ganaaxii ka saarnaa suuqa kala iibsiga.

Xiddiga reer Frnace oo la filayay in uu United ugu biiro lacag dhan 100 milayn oo euro ayay Atletico Madrid daacadnimadiisa ugu abaalmarisay heshiis cusub.

Inkasta oo lala xiriirinayay Old Trafford hadana Filipe Luiz ayaa sheegaya in uu Griezmann doonayay in uu Atletico Madrid sii jooga hal sano oo kale.

Griezmann waa qof wax walba si cad uga hadla”ayuu daafacu u sheegay El Mundo.

“Xiddiguhu badanaa way ka hadlaan marka ay dareemaa in aan loo qiimayn sidii ay u qalmeen, kadib waxa ay helaan dareen badan”.

“Waxa uu dalabaad badan ka heli lahaa kooxo badan xiddig isaga oo kale ah waxa uu dalabyo waaweyn ka helayaa kooxo qiimeeya”.

“taasina waxa ay ahayd wixii uu Griezmann sameeyay”.

“Ugu dambayntii markii ay kooxaha oo dhan la soo xiriireen waxa uu doonayay in uu halkan sii joogo waxana uu ku faraxsan yahay halkan”.

Arintan ayaa la macno ah in uu xiddigan kooxdiisa Atletico Madrid heshiis cusub kaga doonayay kadib markii uu shaki galiyay mustaqbalkiisa.

Comments

comments

Leave a Reply