Sergio Agüero Oo Kabaha La Dul Maray Xiddiga Ay Isku Xulka Yihiin Ee Lionel Messi & Man City Oo Sabab U Ah

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man city ee Sergio Agüero ayaa ku digtay xiddiga ay isku xulka yihiin weerarkana uga ciyaara kooxda Barcelona ee Lionel Messi isaga oo sheegay in aanu Messi ku soo biiri doonin Man City maadama ay ka mid tahay waxyaabaha aan suuro galka ahayn ee adduunka.

Lionel Messi ayaa maalmihii ugu dambeeyay lala xiriirinayay kooxda Man city xilli aanu wali xiddigan heshiis cusub qalinka ugu duugin kooxdiisa Barcelona.

Agüero oo arintaas ka hadlaya ayaa yiri”Lacagtu dhib lama laha Man city laakiin wakhti xaadirkan wax baahi ah uma qabto la soo saxiixashada Lionel Messi”

“Waan jeclaan lahaa in aan Messi kaga garab ciyaaro isaga oo xiran maaliyada Man City laakiin taas ayaan suuro gal ahayn”ayuu sii raaciyay.

Labadan xiddig ayaa caadi ahaan iska garab ciyaara xulka qaranka Argentine waxana jirtay wakhti ay Barcelona xiiso u qabtay xiddigan in ay dib ugu celiso horyaalka La Liga.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: