Robert Lewandowski Oo Rikoor Yurub Ah Ku Garaacay Cristiano Ronaldo

Xiddiga xulka qaranka Poland iyo kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski ayaa rikoor cajiib ah ka dhigay kulamadii is reeb-reebka koobka adduunka Russia 2018.

Xiddiga kooxda Bayern Munich ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee dhaliya 16 gool kulamada is reeb-reebka koobka adduunka isaga oo hogaanka u ku hayay 16 gool.

29 jirkan oo noqday xiddiga abid ugu gool dhalinta xulka qarankiisa Poland ayaa dhaliyay goolkii 3-aad ee kulankii ay 4/2 uga badiyeen Montenegro.

Maalmo ka hor ayuu Lewandowski bar-bareeyay rikoorka gool dhalinta ee 15-ka gool ee uu lahaa Cristiano Ronaldo ee is reeb-reebka koobka adduunka.

Kadib markii uu Cristiano Ronaldo ku fashilmay in uu gool ka dhiyo xulka qaranka Switzerland waxa si Rasmi ah u noqday gool dhaliyaha ugu fiican ee is reeb-reebka qaarada yurub.

Comments

comments

Leave a Reply