Real Madrid Oo War Ka Soo Saartay Xaaladda Dhaawac Ee Goolhaye Keylor Navas , Waa Sidee Rajada?.

Kooxda Real Madrid ayaa shaaca ka qaaday waxa ka soo baxay baaritaano lagu sameeyay dhaawaca goolhayahooda Keylor Navas

Goolhayaas ayaa ku laabtay caasimada Madrid kadib markii qarankiisa uu u soo saaray koobka aduunka balse waxa uu ku soo haleelay dhaawac cagta middig ah taasi oo keentay in uu seego kulankii ugu dambeeyay qarankiisa la ciyaareen Panama

Sida bogga Defensa Central uu sheegayo waxaa haya barar waxa uuna si rasmi ah u seegayaa kulanka sabtida ay la ciyaaraan kooxda Gatefe ee horyaalka Spain.

” Ka dib baaritaano caafimaad oo lagu sameeyay goolhayaha waxaa cadaatay in barar uu kaga jiro bowdada middig , waana la sii qiimeynaa xaaladdiisa ” ayaa lagu yiri war ay Real ka soo saareen dhaawaciisa

Tababare Zidane ayaa kulanka soo socda ee horyaalka Spain waxa uu goosha kaga tiirsanaanayaa goolhayaha labaad ee Kiko Casilla

Haatan , waxa ay su`aasha tahay goolhaye Navas ma seegayaa kulanka talaadada ee Champion-ka ee ay ku marti gilinayaan kooxda Tottenham,waxa uuna tababare Zidane sheegay in uusan qaadeyn talaabo waliba oo sii murjin karta dhaawaca Keylor Navas

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: