Real Madrid Oo Qorshe Waali Ah Ula Tagaysa Tottenham Si Ay Uga Hesho Harry Kane,Maxay Samaynaysaa?

Kooxda Real Madrid ayaa dagsatay qorshe ay suuqa xagaaga dambe ku heli doonto saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Tottenham ee Harry Kane.

Real Madrid ayaa kooxda Tottenham miiska u saari doonta xiddigaha Gareth Bale, Luka Modric Iyo Karim Benzema si ay iyaguna u helaan Harry Kane marka la gaaro suuqa kala iibsiga xagaaga dambe.

Laakiin kooxda Tottenham ayaa ku adkaysanaysa in aanay doonayn in ay iibiyaan xiddigooda reer England wax walba oo miiska loo saaro.

Si kasta ha ahaatee wargayska Diaro Gol ayaa sheegaya in ay kooxda Los Blancos ayaa ku rajo weyn in uu milkiilaha kooxda Tottenham ee Daniel Levy Masaxdiisa Badali doono.

Wararka ayaa sheegaya in kaliya xiddigaha Bale iyo Benzema ay ka mid noqon doonaan dalabka 1-aad laakiin hadii ay kooxdu ku sii adkaato in ay Kane Fasaxdo ay raacin doonto xiddiga Khadka dhexe ee Luka Modric.

Kooxda Real Madrid ayaa la dhacsan qaab ciyareedka 24 jirka reer England kaas oo labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay ku guulaystay kabta dahabka ah ee gooldhaliyaha Premier league.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: