Neymar Oo Markan Qaadaya Olole Uu Ku Dhaawacayo Kooxdiisii Hore Ee Barcelona, Xiddig Barcelona Jooga Ayuu Ku Qal-Qaalinayaa Kooxdiisa Haatan

Xiddiga kooxda Paris Saint-Germain ee Neymar ayaa lagu soo waramayaa in uu kooxdiisa u sheegay in ay u dhaqaaqaan xiddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Sergio Busquets si ay ugu xoojiyaan khadka dhexe ee kooxda.

Neymar ayaa kooxda PSG ku biiray suuqii xagaaga isaga oo rikoor suuqa adduunka ah ugu biiray kadib markii uu si lama filaan ah uga tagay kooxda Barcelona.

Wargayska reer Spain ee Diario Gol ayaa sheegaya in uu Neymar booskiisa u isticmaalayo in uu kooxda PSG ku riixo in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Sergio Busquets marka la gaaro suuqa kala iibsiga xagaaga dambe.

Xiddigan reer Spain ayaa si joogto ah ugu ciyaara tan iyo markii uu kulankii ugu horeeyay u saftay kooxda Barcelona sanadkii 2008.

Sergio Busquets ayaa la filayaa in uu xal koox u ciyaaro oo uu mustaqbalkiisa ku dhamaysto kooxda Barcelona, si kasta ha ahaatee Neymar ayaa doonaya in ay PSG sidii ay isaga uga faramaroojisay Barcelona in ay isagana ku soo gacan galiso.

Comments

comments

Leave a Reply