Neymar Oo Dagsaday Qorshe Uu Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi Ugu Garaacayo Abaalmarinta Ballon d’Or-ka Muxuu Damacsan Yahay?

Xiddiga weerarka uga ciyaara xulka qaranka Brazil iyo kooxda PSG ee Neymar ayaa dagsaday qorshe uu xiddigaha Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ugu garaacayo abaalmarinta Ballon d’Or-ka sanadka dambe.

Neymar ayaa damacsan in uu xulka qarankiisa Brazil ku hogaamiyo ku guulaysiga koobka adduunka ee sanadka dambe lagu qaban doono dalka Russia.

Xiddigan ayaa kooxda Barcelona xagaagan uga tagay si uu ugu guulaysto abaalmarino shaqsi ah kadib markii uu lacagta waalida ah ugu biiray kooxda PSG.

Neymar ayaa kooxda reer Catalonia ku qaatay 4 sano isaga oo dhaliyay 105 gool 186 kulan oo uu u saftay isaga oo kooxda kula guulaystay koobabka laba horyaal oo La Liga ah hal champions league iyo 3 Copa del Rey.

Cristiano Ronalod ayaa la filayaa in uu abaalmarinta sanadkan ee Ballon d’Or-ka ku guulaysto kadib marii uu kooxdiisa ka caawiyay in ay markii labaad oo xiriir ah ku guulasato champions league.

Wargayska Don Balon ayaa sheegaya in uu Neymar diirada saarayo ku guulaysiga koobka adduunka si uu sanadka dambe ugu guulaysto abaalmarinta Ballon d’Or-ka.

Comments

comments

Leave a Reply