Mourinho Oo Damacsan Qorshe Uu Ku Helayo Xiddig U Ciyaara Kooxda Barcelona

Kooxda Man United ayaa damacsan qorshe ay ku doonayso xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Barcelona ee Ivan Rakitic marka la gaaro suuqa kala iibsiga xagaaga.

Tababaraha Kooxda Man United ee Jose Mourinho ayaa lagu soo waramayaa in uu damacsan yahay in uu heshiis isku badalasho ah la sameeyo kooxda Barcelona isaga oo miiska u saari doona Anthony Martial si uu u helo xiddiga khadka dhexe ee Ivan Rakitic.

Warkan ayaa la yaab ku noqday taageerayaasha kadib markii uu xiddiga reer France qaab fiican ku bilowday xillli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 5 gool 6 kale caawiye ka noqday.

Mourinho ayaa shaaca ka qaaday in ay kaloonidii uu ku qabay 2 jirkan kor u kacday kadib markii uu horumar ka sameeyay qaab ciyaareedkii xilli ciyaareedkii hore.

Si kasta ha ahaatee wargayska Dario Gol ayaa sheegaya in uu Mourinho diyaar u yahay in uu 21 jirkan ku badasho 29 jirka dhexda uga ciyaara Barcelona.

Mourinho ayaa doonaya xiddig khadka dhexe ku fiiican laakiin sida wargayska reer Spain sheegayo Rakirti ayaa ah xiddiga uu doonayo in uu ku xoojiyo khadkiisa dhexe.

Comments

comments

Leave a Reply