Man United Oo Qorshaynaysa In Diyaariso Dalab La Yaab Leh Oo Dhan 189 Milayn & Real Madrid Oo Uu Saamayn Ku Yeelan Karo

Kooxda Man United ayaa diyaarinaysa dalab la yaab leh oo dhan 189 milayn oo euro kaas oo ay ku doonayso xiddiga kooxda Tottenham ee Harry Kane sida laga soo xiganayo wargayska The Sun.

Xiddiga reer England ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku bilowday xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 11 gool oo tartamada oo dhan ah.

Jose Mourinho ayaa taageero wakhti dheer u ah xiddigan xilli Red Devils isku dayday in ay laba sano ka hor kula soo saxiixato 45 milayn oo euro laakiin waxa si deg-deg ah loogu yiri maya.

Tababare Specia one ayaa in lamaanaynta Lukaku iyo Kane ay United ka caawin doonto in ay hogaanka u qabtaan kooxaha reer yurub.

Spurs ayaa dhankeeda diyaar u in ay Real Madrid iyo United disho rajadooda oo ay 24 jirkan ka saxiixato heshiis uu mushahar ahaan uga qaadan doono kooxda lacag dhan 166 kun oo Gini.

Hadii uu warkan dhab Yahay oo ay United dalab intaa leeg ula tagto Tottenham waxa ay dhexda uga dhacaysaa qorshaha kooxda Real Madrid oo xiddiga la socota bilihii ugu dambeeyay.

Comments

comments

Leave a Reply