Man City Oo Todobaadyada Soo Socda Dalab Weyn Ka Gudbin Doonta, Xiddig Laga Yaaban Yahay Qaab Ciyaareedkiisa, Horyaalkee Ayuu Joogaa

Kooxda Man City ayaa lagu soo waramayaa in ay todobaadyada soo socda dalab weyn ka gayn doonto xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Lazio ee Sergej Milinkovic-Savic.

Lazio ayaa xilli ciyaareedka cusub xiddigan ku bilowday khadka dhexe qaybta midig waxana uu ku soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Xiddigan reer Serbai ayay isha ku hayaan kooxo badan oo ah kuwa ugu waaweyn yurub iyada oo laga yaabo in Lazio ku qasbanaato in ay dhawaan iibiso.

Kooxda Juventus ayaa Xiddigan ku raad joogtay wakhtiga qaar iyada ay xiddigan jecel yihiin Agaasimaha kooxda ee Marotta iyo Tababaraha kooxda ee Allegri.

The Bianconeri ayaa isku dayday in ay saxiixa xiddigan hesho suuqii xagaaga laakiin Lazio ayaa diiday in uu xiddigan ka tago kooxda.

Man United ayaa sidoo kale ah koox jecel xiddigan xilli Jose Mourinho uu xiddigan la socday qaab ciyaareedkiisa bilhii ugu dambeeyay.

Si kasta ha ahaatee Wargayska Sportitalia ayaa sheegay in ay kooxda Man city ugu cad-cadahay saxiixa Milinkovic-Savic. Wargayska ayaa sheegaya in ay City dhawaan gaar ahaan todobaadyada soo socda dalab weyn ka gudbin doonta adeega xiddigan

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: