Ludovic Giuly Oo Sheegay In Uu Kylian Mbappé Ka Fiicanyahay Lionel Messi Qaab Noocee Ah

Xiddigii hore ee kooxda Barcelona ee Ludovic Giuly ayaa shaaca ka qaaday in da,yarka kooxda PSG ee Kylian Mbappé uu ka fiican yahay Lionel Messi markii uu Messi ahaa da,da Kylian Mbappé.

Giuly ayaa sheegay in Mbappe uu jrikiisa u siticmaalayo si fiican oo cajiib ah halka uu Messi dhibaatooyin jir ahaaneed haysatay markii uu yaraa.

Isaga oo arintaas ka hadlaya ayuu yiri”Mbappe waxa uu leeyahay awoodo badan oo weyn waxa uu ka xirfad badan yahay Messi markii uu da,diisa ahaa Messi, waxana uu u maamulayaa jirkiisa si ka fiican Lio”.

Giuly ayaa ka mid ahaa xiddigaha Barcelona intii u dhexaysay 2004 ilaa 2007 isaga oo kooxda kula guulaystay champions league iyo laba horyaal oo La Liga ah.

Lionel Messi ayaa ka soo garab ciyaaray Guily wakhtigaas inkasta oo uuna ahayn sida uu haatan u fiican yahay maadama wakhtigaas uu ka dambeeyay xiddigo waaweyn oo kooxda ah.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: