Lionel Messi Oo Saaxiibkiisii Hore Ee Neymar U Soo Jeediyay Eedayn Adag & Real Madrid Oo Sabab U Ah

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa lagu soo waramayaa in uu aaminsanyahay in uu Neymar warbixinada u gudbin jiray kooxda Real Madrid wakhtigii uu joogay Barcelona.

Neymar ayaa suuqii xagaaga ka tagay Barcelona isaga oo heshiis muran dhaliyay ugu biiray kooxda Paris Saint-Germain isaga oo noqday xiddiga ugu qaalisan suuqa kala iibsiga.

Wargayska Diario Gol ayaa haatan sheegaya in uu Neymar warbixinada gaarka ah ee qolka labiska u gudbin jiray kooxda ay xafiiltamaan ee Real Madrid.

Warkan ayaa yimid kadib markii xiddiga Andre Gomes uu ku qasbanaaday in uu beeniyo in uu warbixinada kooxda u gudbin jiray xiddiga ay isku xulka yihiin ee Cristiano Ronaldo.

Neymar ayay maamulka Barcelona dhex taalaa dagaal adag kadib markii uu xiddigu Barcelona ku eedeeyay in ayna bixin lacagtii aabihii markii uu heshiiska cusub u saxiixay kooxda.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: