Lama Filaan: Sergio Aguero Oo Ku Soo Laabtay Tababarka Buuxa Ee Kooxdiisa & Kulamada Uu Ciyaari Doono

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man city ee Sergio Aguero ayaa si lama filaan ah ugu soo laabtay tababarka kooxdiisa kadib jab feedhaha ah oo soo gaaray kadib markii uu shil gaari ku galay Holland.

Xiddigan ayaa la filayaa in uu ku soo bilowdo kulanka Sabtida ee ay kooxdiisu la ciyaari doonto kooxda Stoke city kulan ka tirsan horyaalka premier league.

Pep Guardiola ayaa ka cabsi qabay in uu xiddigan garoomada ka maqnaan doono muddo aad u dheer laakiin waxa uu si farxad leh u soo dhawaynayaa xiddigiisa kadib fasaxa xulalka.

Weeraryahankan ayaa si cajiib ah ku bilowday xilli ciyaareedkan ka hor intii ayna dhacdadii Holland ka reebin kulankii ay City guusha ka gaartay Chelsea.

Aguero ayaa ku rajo weyn in uu daqiiqado ka ciyaaro kulanka Etihad ee Sabtida ka hor inta uuna ku soo bilaaban kulanka bartamaha todobaadkan ee champions league.

Comments

comments

Leave a Reply