Kooxda Liverpool Oo War Fiican Ka Heshay Xiddig Ay Baacsig Ugu Jirtay, Inter Milan Ayuu joogaa

Kooxda Liverpool ayaa rajo ka heshay baacsigii ay ugu jirtay saxiixa Goolhayaha kooxda Inter Milan ee Samir Handanovic kaas oo heegan galiyay kooxda Tababare Jurgen Klopp.

Maalintii ugu dambaysay ee suuqa ayuu wargayska FCInterNews in ay Inter Milan dalab ka diiday kooxda Liverpool kaas oo ay kaga doonaysay goolhayaha Samir Handanovic.

Goolhayahan oo uu heshiiskiisu dhacaya sanadka 2019 ayay Kooxda Liverpool u aragtaa xiddig xal u noqon kara dhibaatada goolhayaha ee ay xalin waayeen Simon Mignolet iyo Loris Karius.

Haatan Goolhaye Samir Handanovic ayaa rajo siiyay kooxda Premier league kadib markii uu sheegay in 5-tii sano ee uu ku soo qaatay Inter Milan in ay dhamaad ku dhawdahay.

33 jirkan oo la hadlaya website-ka kooxda ayaa sheegay in ay jirto suurtagalnimada uu nolsohiisa ciyaareed ugu dhamaysan karo meel aan Inter ahayn.

“Ma garanayo hadii aan noloshayda ciyaareed ku dhamaysan doono halkan (Inter)”ayuu yiri Handanovic.

“U jeedkayga ugu weyn ayaa ah in aan ciyaaro ilaa 40 jirkayga kadib aan eegno waxa dhaca mustaqbalka, haatan waxa la joogaa wakhtigii ay Inter Milan kooxda ku soo celin lahayd meeshii ay u qalantay”

“Waxa aanu samaynay horumar fiican laakiin bisha dambe ayaa noqon doonta mid aad muhiim u ah, Inter Milan ayaan wali qaban wixii looga baahnaa”ayuu hadalkiisa ku soo xiray.

Comments

comments

Leave a Reply