Kooxda Chelsea Oo PSG U Sheegtay Qiimaha Ay Kaga Mari Karaan Xiddig Khadka Dhexe Ah

Waxa ay u muuqataa in ayna Neymar iyo Mbappé kaliya ahayn xiddigaha ay kooxda PSG doonayso in ay ku dhisto koox ugu dambayn ku tartanta hanshada champions leageu.

Sida laga soo xiganayo wargayska Le Parisien kooxda PSG ayaa wax walba u samayn doonta soo xero galinta saxiixa xiddiga Ngolo Kante kaa soo ka mid ah furayaashii ay Blues ku qaaday horyaalka.

Wargayskaas ayaa sheegaya in ay kooxda Chelsea u sheegtay dhigooda PSG in ay miiska saaraan lacag dhan 90 milyan oo euro si ay u helaan 26 jirkan.

Si kasta ha ahaatee kooxda PSG ayaa xiisaynaysa in ay xiddigan u dhaqaaqdo adeegiisa dhamaadka xilli ciyaareedkan xilli xiddiga Monaco ee Fabinho uu sidoo kale yahay xiddiga badal u noqon kara.

Fabinho oo dhawaan dalab ka helay kooxda reer Italy ee Juventus ayay kooxda difaacanaysa horyaalka France ee Monaco ku qiimaysaa Lacag dhan 50 Milyan oo euro.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: