Kalsooni Badanaa: Halyeeyga Liverpool Ee Phil Thompson Oo Sheegay Liverpool Guul Ka Gaari Doonto Man United, Waliba Arin Kale Ayuu Balan Qaaday Oo Maxay Tahay?

Halyeeyga kooxda Liverpool ee Phil Thompson ayaa aaminsan in Reds garaaci doonto Man United waliba ilaashan doonto shabaqeeda marka ay iska hor yimaadaan maalinta sabtida kulan ka tirsan horyaalka Premier league.

Liverpool ayaa ilaa haatan ku fashilantay in ay ilaashato shabaqeeda tan iyo kulankii ay Arsenal 4/0 uga badisay dhamaadkii bisha Augustes.

United ayaa dhanka kale dhalisay 21 gool 7-dii kulan ee ay ciyaartay horyaalka iyada oo aan ilaa haatan wax guuldaro ah la dha-dhansiin.

Laakiin Phil Thompson ayaa aaminsan in Jurgen Klopp joojin doono weerarka culus ee Man United uu waliba ka gaari doono guul muhiim ah.

“Anigu aad ayaan ugu kalsoonahay in ay tahay waxa aanu samayno (Liverpool)” ayuu u sheegay Sky Sports.

“Liverpool waxa ay kulamada waaweyn soo bandhigtaa qaab fiican, waxa ay xaqiiq noqon doontaa kulan adag laakiin marka aad eegto qaar badan oo xiddigahayaga ah kor ayay u qaadeen ciyaartooda”.

“Way Adagtahay in aan yiraahdo laakiin waxa jirta fursad fiican oo ay Liverpool kulanka kala bixi doonto shabaqeeda oo nadiif ah, waxana aan ku kalsoonahay in aan Anfield guul ku gaari doono”ayuu hadalkiisa ku soo xiray.

Comments

comments

Leave a Reply