Iska ilow Neymar Iyo Hazard, Halkan Xiddig Ayaa Ka Fiican, Halkan Arin Ayaan Sabab U Ah

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Atletico Madrid iyo xulka qaranka Spain ee Diego Costa ayaa ka fiican xiddigaha Neymar iyo Eden Hazard sida uu sheegay xiddiga daafaca uga ciyaara xulka qaranka Brazil iyo kooxda Atletico Madrid ee Filipe Luís.

Filipe Luís oo waraysi siinayay wargayska El Mundo ayaa yiri” Xiddiga ugu fiican ee aan ka soo garab ciyaaray ayaa ah Diego Costa”

“Waxa aan markii ugu horaysay Arkay isaga oo samaynayay waxyaabo ayna samayn karin Hazard iyo Neymar inkasta oo ay iguba yihiin xiddigo tago leh, Laakiin xiddigii kuubab igula guulaystay waa Diego costa”.

“Diego Costa mar kasta goolal ayuu kuu dhalinayaa si uu natiijada ciyaarta u furo ama waxa uu kuu dhalinayaa goolka guusha kaas oo caawinaya in aad wax ku guulaysato”.

“In aad dhaliso 30 gool xilli ciyaareedkii, inaad saddexley dhaliso kulamada yar-yar iyo in aad dhalso 20 gool xilli ciyaareed kale kulamo dhamaantood ku dhamaaday 1/0 waa arimo kale waana muhiimada Diego Costa”

Comments

comments

Leave a Reply