Inter Milan Iyo Arsenal Oo Isku Baacsanaya Daafac Ku Dhibaatoonaya Kooxda Napoli

Kooxaha Inter Milan Iyo Arsenal ayaa isku baacsanaya saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Napoli ee Nikola Maksimovic kadib markii uu xiddigan ku dhibaatooday in uu boos joogto ah ka helo kooxda Napoli.

25 jirkan reer Serbai ayaa Napoli ku soo biiray xagaagii hore isaga oo ugu yimid kooxda lacag dhan 25 milyan oo euro isaga oo kaga soo biiray heshiis muran dhaliyay kooxda Torino.

Si kasta ha ahaatee waxa xiddiga ku adkaatay in uu boos joogto ah ka helo shaxda tababare Maurizio Sarri isaga oo xilli ciyaareedkii hore intiisii badnayd ku dhamaystay kursiga kaydka.

Xiddigan ayaa sidoo kale kulamo badan ku bilaaban xilli ciyaareedkan isaga oo laba kulan oo kaliya u ciyaaray horyaalka iyo champions league.

Sida laga soo xiganayo wargayska Guerin Sportivo kooxaha Inter Milan iyo Arsenal ayaa la socda xaalada xiddigan iyaga oo doonaya in ay January ku xoojiyaan kooxohooda.

Xiddigan ayaa kooxda Napoli kula jira heshiis dhacaya ilaa sanadka 2021 laakiin Napoli ayaa diyaar u ah in ay iska iibiso hadii uu dalab fiica u yimaado.

Comments

comments

Leave a Reply