Halyeeyga Reer Brazil Ee Adriano Oo Ku Soo Laaban Doona Kuba Cagta, Wakhtiga Uu Tababarka Bilaabi Doono & Sababta Uu Ugu Soo Laabanayo

Xiddigii hore ee xulka qaranka Brazil ee Adriano ayaa lagu soo waramayaa in uu ka soo laaban doono ka fariisashadii kubada cagta si uu xulka qaranka Brazil ugala qayb qaato koobka adduunka ee Russia 2018.

Xulka qaranka Brazil ayaa wakhti hore xaqiiqsaday booskooda koobka adduunka iyaga oo ku dhamaystay kaalinta 1-aad ee is reeb-reebka.

Adriano oo arintaas ka hadlaya ayaa yiri”Waxa aan naftayda u diyaarinayaa mashruuc cusub waxa aan tababarka ku soo laaban doonaa bisha January”

“Tan iyo markii aan ka fariistay ciyaaraha waxa aan ku dadaalaa in aan ilaaliyo qaabka jirkayga haatana waxa aan doonayaa in ogaado qaab ciyaareedkayga si aan u ogaado in aan ku laaban karo ciyaarista kubada?

Adriano ayaa ciyaaraha ka fariistay sanadkii 2014 xilli uu wakhtigiisii ugu fiicnaa la soo qaatay kooxda Inter Milan isaga oo la joogay 3 sano isaga kula guulaystay laba koob oo coppa Italia ah iyo laba koob oo Super cup-ka Italy.

Comments

comments

Leave a Reply