Danny Rose Oo La Ogaaday Koox Uu Haminayo In Uu Ku Biiro Bisha January ,Chelsea Mise Man United ?.

Garabka bidix kooxda Tottenham ee Danny Rose ayaa haminaya in kala wareegga bisha January uu u dhaqaaqo kooxda Man United sida Daily Star ay qoreyso .

Waxaa la soo wariyay in United ku kalsoon yihiin in aduun dhan 45 milyan oo gini ay ku soo xero giliyaan kala wareegga soo socda wiilkaas reer Ingiriis

Arintaan ayaa imaaneysa xilli tababare Jose uu si weyn uga shaqeynayo in marka uu suuqa furmo in kooxda uu ku soo xoojiyo garab bidix .

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in laacibkaas ay sidoo kale hamineyso saxiixiisa kooxda Chelsea uu ku war giliyay asxaab ku dhaw in haddii ay dhacdo in uu Tottemham ka huleelo in uu u wareegayo Man United

United ayaa xilli ciyaareedkaan garabka bidix waxa ay kaga tiirsanaatay Daley Blind, Matteo Darmian iyo Ashley Young

Comments

comments

Leave a Reply