Daawo: Mukhtar Afgoye Oo Durba Wacdaro Ka Dhigay Qaranka Sacudiga , Daafac Jamaican Ah Ayuu Ceebeystay Goolna Wuu Ka Shaqeeyay

Mukhtar Ali oo ah ciyaaryahan Somaliyeed sidoo kalena horay u haystay dhalashada Ingiriiska ayaa maalmo ka hor doortay in uu ku biiro Qaranka Sacuudiga

Muktar oo ku dhashay Sacudiga ayaa haatan ka tirsan kooxda Vitesse ee horyaalka Holland waxa uuna ka ciyaaraa qadka dhexe

Kulankii xalay Sacuudiga ay 5-/1 uga badiyeen Jamaica ayuu saftay waxa uuna u ahaa kulankiisii ugu horeeyay ee uu safto qarankaas Sacudiga xilli kulankaas uu ahaa mid saaxibtinimo

Mukhtar Ali oo 19 Sano jir ah ayaa lahaa baaska goolkii 5-taa ee Sacudiga xilligaas oo uu baas cajiib ah siiyay xiddig qarankiisa ah waxa uuna xilligaas uu si farsameysan ugu gooyay daafac Jamcian ah waxa uuna goolkaas dhashay daqiiqaddii 92-aad .

Hadaba waxaan idin soo xulnay qaabkii cajiibka aheyd ee uu Mukhtar kubadda uga farsameystay daafaca Jamecia ugana shaqeeyay goolkii 5-aad ee Sacuudiga ,Halkaan Laacibtv.net ka daawo muuqaalkaas 

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: