Daafaca Xulka Qaranka Belguim Ee Jan Vertonghen Ayaa Ka Warbixiyay Dhaawaca Lukaku Ka Hor Kulanka Liverpool

Xiddiga daafaca uga ciyaara xulka qaranka Belguim ee Jan Vertonghen ayaa ka warbixiyay dhaawaca Romelu Lukaku ka hor kulanka adag ee ay United booqan doonto Man United.

Jan Vertonghen ayaa sheegay in uu Lukaku taam buuxa yahay oo uu ciyaari karo kulamada kooxdiisa Man United kadib markii uu ka soo laabtay xulka qarankiisa.

24 jirkan ayuu dhaawac kuraanta ah ku qasbay in uu seego kulankii xulka Belguim la ciyaarayay xulka Bosnia laakiin waxa uu badal ku soo galay kulankii Belguim 4/0 uga badiyay Cyprus.

Romelu Lukaku ayaa isla markiiba saamayn weyn ku yeeshay ciyaarta isaga oo daqiiqadii 78 dhaliyay goolka 3-aad ee xulka qarankiisa.

“Goolkii uu dhaliyay Kulankii Cyprus ayaa ahaa mid cajiib ah kubada ayuu helay waxana uu dhaafay daafac ka hor inta uuna kubada shabaqa dhex dhigin’ayuu yiri daafaca Tottenham kadib ciyaarta.

“Waxa aan hubaa in uu diyaar u noqon doono kulanka United ee sabtida”

“Waxa uu todobaadkii ugu horeeyay yimidi isaga oo dhaawac, waan la hadlay waxana uu ka cabanayay kuraanta”.

“Laakiin Waxa uu si cajiib ah uga soo kabsaday diyaarna u noqday kulankii xigay”ayuu hadalkiisa ku soo xiray.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: