Daafaca kooxda Ac Milan Ee Mateo Musacchio Oo Farta Ku Fiiqay Hal Khatar Oo Ay Wajahayaan Kulanka Derby Milan

Daafaca kooxda Ac Milan ee Mateo Musacchio ayaa qirtay halka khatar ee ay wajahayso kooxda Ac Milan Kulanka Milan Derby ee la ciyaari doono Axada.

Ac Milan ayaa laga badiyay laba kulan ee ugu dambeeyay horyaalka Serie A sidaa darteed waxa saaran cadaadis ka hor kulanka Derby Milan ee habeenimada Axada.

“Ma jiro qorshe gaar ah oo aanu damacsanahay ka hor kulanka”ayuu Musacchio yiri.

“Maaha qasab, kaliya waa in aad ka fikirto muhiimada kulanka diirdana saarno sidii aanu kulanka ugala bixi lahayn natiijo wax ku ool ah”.

Mar wax laga waydiiyay kabtanka kooxda ee Icardi ayuu ku jawaabay”uma ogolaan doono in uu neefsado, laakiin maaha kaligii waxa jira xiddigo fiican oo kooxda ka mid ah sidaa darteed diirada ayaanu wada saaraynaa”

“Laakiin khatarta ugu badan isaga ayay ka imanaysaa sidaa darteed waa in aanu u diidno in uu neefsado”ayuu sii raaciyay.

“Waxa aanu u baahanahay 11 libaax, wax walba waanu samayn doonaa marka aanu garoonka galno, dabcan waxa aanu sidoo kale taageero uga baahanahay taageerayaasha”.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: