Cadayn Muujinaysa In Uu Cristiano Ronaldo Ka Bixi Doono Gool La,aanta La Liga Oo La Helay

Cristiano Ronaldo ayaa ku bilowday horyaalka si adag isaga oo aan 3-dii kulan ee ugu horeeyay ee uu ciyaaro aan wax gool ah dhalin xilli ciyaareedkan markii ugu horaysay noloshiisa Real Madrid.

Si kasta ha ahaaatee bisha October ayaa ah bil uu kabtanka Portugal caadi ahaan soo bandhigo qaab ciyaareed aad u fiican goolal badana dhaliyo.

6 kulan oo uu ciyaaray bisha October ayuu dhaliyay 4 saddexley halka uu sidoo kale dhaliyay 4 gool hal kulan oo uu ka hor tagay kooxda Racing Santander October 23, 2010.

Waxa uu ahaa xilli ciyaareedkii 2010/11 oo ku qaabtay wakhtigiisii ugu fiicnaa bisha october iisaga oo 4 kulan oo kaliya dhaliyay 10 gool.

No.7 ayaa sidoo kale rikoor la mid ah midkaas sameeeyay xilli ciyaareedkii 2014/15 kadib markii uu dhaliyay goolal aad u badan 3 kulan.

Marka la eego kooxda uu goolasha ugu badan ka dhaliyay kooxda Malaga ayuu ka dhaliyay 6 gool halka uu kooxda Levante iyo Racing ka dhaliyay 4 gool.

kooxaha Barcelona, Sevilla, Alaves iyo Athletic Club ayuu dhamaantood ka dhaliyay mid 3 gool marka uu ka hor yimid bisha October.

Xilli ciyaareedkan ayuu ka hor iman doonaa kooxaha  Getafe, Tottenham, Eibar iyo Girona, halka Fuenlabrada uu la ciyaari doono Copa del Rey inkasta oo ay u badantahay in la nasin doono.

Comments

comments

Leave a Reply