Barcelona Oo Suuqa Dhigtay Xiddig Khadka Dhexe Uga Ciyaaray & Kooxda Ugu Cad-Cad Adeegiisa

Kooxda Barcelona ayaa go,aansatay in ayna heshiis cusub u soo bandhigin xiddiga garabka weerarka uga ciyaara ee Gerard Deulofeu sida ay sheegayso wargayska Mundo Deportivo.

Kooxda reer La Liga ayaa dhaqan galisay heshiiskiii 12 milyan ahaa ee ay dib ugula soo wareegaysay xiddigan suuqii xagaaga kadib markii qaab amaah ah qaab ciyaareed cajiib ah ugu soo bandhigay Ac Milan.

Deulofeu ayaa si fiican ku bilowday xilli ciyaareedkan isaga oo ku bilowday 4 ka mid ah 5-tii kulan ee ugu horaysay horyaalka La Liga.

Si kasta ha ahaatee xiddigan reer Spain ayaan kooxda u ciyaarin 4-tii kulan ee ugu dambeeyay taas oo Barcelona ku qancisay in ayna wadahadalo heshiis kordhin ah la furin xiddigan.

Wakiilada xiddigan ayaa maamulka Barcelona u sheegay in uu xiddigan kaliya heshiis cusub saxiixi doono hadii uu si joogto ah ugu ciyaaro kooxda.

Taas ayaa la macno ah in uu xiddigan kooxda isaga tagi karo suuqa january isaga oo lagu iibsan karo kaliya 20 milayn oo euro lacagtaas oo ah lacagta lagu bur-burin karo heshiiskiisa.

Wargayska ayaa intaa ku daraya in kooxda Ac Milan tahay kooxda ug cad-cad saxiixa xiddigan maadama ay kooxdu la dhacsantahay qaab ciyaareedka xiddigan wakhtigii uu la joogay.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: