Arsene Wenger Oo Dabka Ku Sii Shiday Mustaqbalka Xiddigihiisa Alexis Sanchez iyo Mesute Ozil, Maxa Soo Kordhay?

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa qirtay in ay xiddiga Alexis Sanchez iyo Mesute Ozil ay ka tagi karaan kooxda Arsenal Marka la gaaro suuqa kala iibsiga January xilli labada xiddig lala xririirinayo kooxaha reer Manchester.

Labadan ayaa xor noqon doona xagaaga dambe kadib markii ay wadahadaladii heshiis kordhintu istaageen taas oo kooxo badan oo reer yurub ah heegan galisay.

Xilli ay labada xiddig u muuqaad qaar ku faraxsan nolosha kooxda Arsenal hadana Arsene Wenger ayaa qirtay in ay suurtagal tahay in ay labada xiddig ka tagaan kooxda Arsenal marka la gaaro January.

Isaga oo ka hadlaya mustaqbal Ozil ayuu yiri” sida aan fahamsanahay Ozil waxa uu doonayaa in uu sii joogo kooxda Arsenal waxa aan rajaynayaa in wararka xanta ah dhanka kale isku rogaan”

“Wakhti xaadirkan kuma dhawin in aanu heshiis cusub ku dhawaaqno”ayuu sii raaciyay.

Mar wax laga waydiiyay in ay Alexis Sanchez iyo Mesut Ozil tagi karaan January ayuu yiri” marka la eego xaaladan wax walba waa suurtagal”ayuu hadalkiisa ku soo xiray.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: