Antonio Conte Oo Doonaya In Uu Kooxdiisa Ku Soo Daro Xiddig Uu Aad Ula Dhacsan Yahay, Horyaalkee Ayuu Ka Soo Wadaa?

Wararka laga helayo England ayaa sheegaya in uu tabaraha kooxda chelsea ee Antonio Conte si aad ah u doonayo in uu la soo saxiixdo weeraryahanka kooxda Red Star Belgrade ee Richmond Boakye marka la gaaro suuqa kala iibsiga January.

Tababaraha reer Italy ayaa si joogto ah ula socda 24 jirkan reer Ghana isaga oo daawadayaal u diri doona kulanka ay kooxdiisu la ciyaari doonto kooxda Arsenal kulan ka tirsan Europe League.

Boakye ayaa dhaliyay 14 gool 13 kulan oo uu ciyaaray tan iyo markii uu amaahda ugu soo biiray kooxda kagana soo biiray kooxda Juventus.

Xiddigan reer Ghana ayaa soo jiitay indhaha tababare Antoni Conte 5 sano ka hor wakhtigaas oo ay wada joogeen kooxda Juventus.

Antonio Conte ayaa u arka in uu xiddigan wax weyn ku soo kordhin doono weerarkiisa xilli uu dhaawac uga maqnaan doono Alvaro Morata.

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: