Ac Milan Oo Sii Calaamadsatay Tababarihii Badali Lahaa Montella, Barca Iyo United Oo Xiddigo Is Dhaafsanaya Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Ay Qoraan Wargaysyada Caalamku

Wacan oo wanaagsan dhamaan Akhristayaasha aanu jecelnahay meel walba oo aad ka joogtaan dunida waxa aanu idinku salaamaynaa salaanta Islaamka Asalaamu Calaykum warxamatulah.

Intaa kadib waxa aanu halkan idiinku soo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay ee ay wargaysyada adduunku ka qoraan wararka khuseeya ciyaaraha.

Suuqa kala iibsiga ayaan furmi doonin ilaa laga gaaro 1 bisha January ee sanadka 2018 laakiin kooxaha kala duwan ee reer yurub ayaa bilaabay in ay raadiyaan xiddigo ku haboon kooxdooda oo ay ku xoojiyaan kooxdooda qaybta dambe ee xilli ciyaareedkan.

Kooxda.com wax masuul ah kama ahan wararkan waxana xuquuqdooda leh wargaysyada ku hor xusan ee laga soo xigtay.

Tababaraha Kooxda Man United ee Jose Mourinho ayaa lagu soo waramayaa in uu damacsan yahay in uu heshiis isku badalasho ah la sameeyo kooxda Barcelona isaga oo miiska u saari doona Anthony Martial si uu u helo xiddiga khadka dhexe ee Ivan Rakitic (Dario Gol).

Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa madaxweynaha kooxda Florentino Perez u gudbiyay liis ay ku jiraan xiddigaah uu doonayo kuwaas oo kala ah David Alaba,Deli Alli iyo Paulo Dybala (Diario Gol).

Kooxda Juventus ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo xiddiga ka ciyaara Akademiyada kooxda Barcelona kadib markii ay dhawr jeer daawatay waana xiddig 17 sano jir ah oo weerarka ka ciyaara laguna magacaabo Abel Ruiz (Calciomercato)

Kooxda Ac Milan ayaa tababare ka dhigi doonto xiddigeedii hore ee Gennaro Gattuso hadii Tababare Vincenzo Montella laga badiyo kulanka Milan Derby markaas oo shaqada si toos ah looga eryi karo (Corriere dello Sport, via Calciomercato)

Kooxda Liverpool iyo Chelsea ayaa heegan galay kadib markii weeraryahanka Pierre-Emerick Aubameyang diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa Borussia Dortmund (Calciomercato)

Dani Alves ayaa qirtay in uu ku rajo weyn yahay in xiddigii hore ee ay Barcelona ka soo wada ciyaareen ee Alexis Sanchez uu kulabiiri doono kooxda PSG january (Radio ADN)

Chelsea ayaan marnaba isaga hari doonin baacsiga ay ugu jirto daafaca reer Brazil ee Alex Sandro iyada oo dalab 53 milyan oo euro ka gudbin doonta marka uu furmo suuqu Janaury (Corriere dello Sport).

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




%d bloggers like this: